War deg deg ah: Kenya oo Dagaal KA dhacay

WAAJIDPRESS – 10 DECEMBER 2016:

Waxaa soo baxaya in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay weerar xoogan oo Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay ka fuliyeen Degaan hoostaga Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.
Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ayaa lagu qaaday Kolonyo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Difaaca ee Dalka Kenya, iyadoona uu jiro khasaaro burburleh oo gaaray Gaarigaasi.
Xoogaga Al Shabaab ayaa hubka garbaha laga tuuro ku burburiyay Gaari Dagaal, waxaana sidoo kale la tilmaamay in weerarkii ka dhacay Degaanka Masalani uu khasaaro dhimasho leh ka soo gaaray Ciidamada Kenya.
Baraha bulshada ee taageera Al Shabaab ayaa lagu daabacay ku dhawaad 10 Askari oo Kenyaan ahaa in lagu Dilay Weerarkii Al Shabaab.
Xoogaga Al Shabaab ayaa dhawaan ku hanjabay in ay kordhin doonaan weerarka dhanka ah Dalka Kenya hadii aysan Ciidamadooda ka saarin Dalka Soomaaliya.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: