War deg deg ah: Qarax gaari oo ka dhacay Koontaroolka Siinkadheer ee duleedka Muqdisho

WAAJIDPRESS – 10 DEC 2016:

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Siinkadheer ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi uu ka dhacay qarax noociisa uu yahay Ismiidaamin.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ciidamada ammaanka, gaar ahaan ciidanka Nabad Suggida ee Koontaroolka ku leh deegaanka Siinkadheer ay halkaasi ku joojiyeen, kadib markii ay ka shakiyeen gaarigaasi.

Gaariga qarxay ayaa lagu joojiyay Bar koontarool oo ciidanka Aar oo Nabad Suggida ka tirsan ay ku leeyihiin deegaanka Siinkadheer, waxaana socday baaritaan lagu sameynaayo gaarigaasi la joojiyay.

Ruuxii waday gaariga ayaa qarxiyay gaariga, kadib markii uu dareemay inaysan suuragal u aheyn inuu la gudbo gaarigaasi oo uu doonaayay inuu la galo Magaalada Muqdisho oo ay ka socoto Doorashooyinka Aqalka hoose.

Gaariga markii uu halkaasi ku qarxay ayaa waxaa goobta ku geeriyooday Lix qof iyo Askarigii ka tirsanaa ciidanka Aar ee Baaritaanka ku haayay gaariga, sidoo kale waxaa dhintay naftii haligihii waday gaariga qarxay, waxaa dhaawac uu soo gaaray dad shacab ahaa oo saarnaa gaadiidka dadweynaha.

Gaariga qarxay ayaa ku dhaganeyd Taarko laga isticmaalo deegaano ka tirsan maamulka Somaliland,sida uu sheegay Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaasi, waxaana ay sheegteen inay ku dileen Askar badan sida ay hadalka u dhigeen.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: