WAR DEG DEG: Akhriso then DAAWO: Qarax xoogan oo ka dhacay ilinka hore ee Dekeda Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 11 DECEMBER 2016:

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qarax xooggan oo saaka ka dhacay agagaarka Dekeda Muqdisho, gaar ahaan meel u dhow Saldhiga Laanta Canshuuraha ee Booliska Soomaaliyeed.

Wararka naga soo gaaraya Dekeda Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goor dhaw uu halkaasi ka dhacay Qarax si weyn looga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay Irida Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho, iyadoo jugta qaraxa gaariga si weyn looga maqlaayay, waxaana cirka isku shareeray Uuro.

Ugu yaraan 30 Qof oo isugu jira Shacab iyo Ciidan ayaa ku dhintay Qaraxii Saakay ka dhacay Agagaarka Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho sida aan ka helnay Goobjoogeyaal iyo Saraakiisha Goobaha Caafimaadka.

Dadka ku dhintay Qaraxa ayaa intooda badan laga soo saaray Burburka Qaraxu uu geystay,waxaana sidoo kale weli la baadi goobayaa Dad Waxyeelo ay ka soo gaartay Qaraxa in ay ku hoosjiraan Burburka.
Geedo waa-weyn oo ku yaallay Goobta ayaa dhamaan Burburay,waxaana laga Cabsi qabaa in ay dad ku hoos jiraan.
Sidoo kale Dadka ku dhaawacmay ayaa la sheegay in 50 ay kor u dhaafeen,iyadoo Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay u badan yihiin Dadka Muruq Maalka ah ee Dekedda ka Xoogsada iyo Darawalada ka xeeya Gaadiidka dekedda wax ka qaada.

“Waxaa halkaas lagu Xasuuqay Dad Shacab ah oo aan waxba Galabsan oo doonayay in ay ka Xamaashaan Dekedda si ay Noloshooda u maareeyaan,waana wax laga Xumaado in Shacab Maati ah la laayo”ayuu yiri Gen. Bariise.

Suxufiyiinta oo goobta tagey waxa ay soo sheegayaan dhimashada inay kor u dhaafeyso 30 ruux, dhaawacana uu intaasi ka badan, dadka waxyeelada soo gaartay ayaa u badan shacab.

Bartilmaameedka qaraxa rasmi ahaan wuxuu ahaa Laanta Canshuuraha Dekeda, halkaasi oo ah goobta gaadiidka looga qaado canshuurta. Ciidamo Booliska ka tirsan ayaa sugga ammaanka goobtaasi –  DAAWO:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: