DEG DEG: Hoobiyeyaal caawa lagu weeraray Magaalada WAAJID ee gobolka Bakool

WAAJIDPRESS – 12 DEC 2016:

 

img_0ed61d-deb2b3-9d3143-c19cfe-68369a-268701

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada  WAAJID ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in caawa Hoobiyeyaal ay ku soo dhaceen gudaha Degmadaasi.

Hoobiyeyaashan oo tiradooda ay gaareyso ilaa 5 xabo ayaa Shabaabka waxa ay ku garaaceen fariisin Ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin Degmadaaasi.

Gaashaan Dhexe Maxamec Xasan Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay Shabaabka in ay tiro madaafiic ah ku soo tuureen fariisin Ciidanka ay degan yihiin, sidoo kalena Ciidanka Itoobiya ay jawaab ka bixiyeen Hoobiyeyaasha la soo tuuray.

Taliye Maxamec Xasan Cali ma uusan sheegin hadii ay jiraan khasaare soo gaaray Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Waxa uu sheegay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya in ay caawa wadaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab, sidoo kalena Ciidanka ay u diyaar garoobeen sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada mararka qaar ka yimaada Shabaab.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: