War deg deg ah: Iska horimaad khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

WAAJIDPRESS – 12 DEC 2016:

Gaalkacyo – Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland uu ka dhacay halkaasi.

Iska horimaadka labada dhinac ayaa waxuu yimid kadib markii Ciidamada Maamulka Puntland ay is-hortaag ku sameeyeen Gaari xuul oo ka yimid dhanka Koonfurta, kaasi oo ku sii jeeday Degaanada Waqooyi.

Wariyaha Idaacadda Shabelle ee Gobolka Mudug, Siraaji Yuusuf Sugaal ayaa waxuu sheegay in iska horimaadka labada dhinac ay ku geeriyootay Haweeney shacab aheyd.

Waxuu sidoo kale xusay in Maamulada Puntland iyo Galmudug ay isku eedeynayaan Dagaalka ka qarxay Magaalada Gaalkacyo.

Sikastaba, Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa Caawa daggan, inkastoo Shacabka halkaasi ku sugan ay ka wal walsan yihiin in markale halkaasi ay ku Dagaalamaan Ciidamada labada Maamul.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: