Ciidamada Maamulka Hirshaballe oo gaari ka qabsaday Ahlu Sunna

WAAJIDPRESS – 13 DEC 2016:

Wararka laga helayo Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda balse taabacsan Maamulka Hirshabelle ay Gaari ka qabsadeen Maamulka Ahlu Sunna.

Gaarigan oo marayay Duleedka Degmada Maxaas ayaa lagu soo waramayaa in uu leeyahay Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna, Mursal Maxamed Xeefoow.

Ilo wareedyo la hadlay Idaacaddaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxey sheegayaan in Ciidamada Maamulka Hirshabelle ay sidoo kale qabteen 3 Ruux oo la socday Gaarigaas.

xiisad u dhaxeysa labada Maamul ayaa la sheegayaa in ay ka bilaabatay taalaabada ay qaadeen Ciidamada Maamulka Hirshabelle.

Ilaa iyo hada lama oga sababta keentay in Ciidamada Maamulka Hirshabelle ay jidka u galaan Gaarigan islamarkaana ay wataan isaga iyo Dadki saarnaa.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: