War deg deg ah: Al Shabaab oo Odayaal dhaqameed ka qeyb galay Doorashada Cadaado ku dilay Xarardheere

WAAJIDPRESS – 13 DECEMBER 2016:

Xarardheere – Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay dileen Odayaal dhaqameed ka soo qeyb galay Doorashooyinka Aqalka Hoose ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Galmudug.

Odayaal dhaqameed Al Shabaab ay dileen oo ay ku qaarijiyeen Tuulooyin Hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa mid ka mid ah Magaciisa lagu sheegay Xasan Maxamed Nuur.

Wariyaheena Gobolka Mudug Siraaji Yuusuf Sugaal ayaa xaqiijiyay dilka Odayaashaasi iyadoona la sheegay in cabsi xoogan degaanada Gobolka Mudug ay ka jirto oo la xiriirta in Al Shabaab ay baadi goob ugu jiraan Odayaashii ka soo qeyb qaatay Doorashooyinka Magaalada Cadaado.

Odayashaan la dilay ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen Ergooyin soo kala doortay Warsame Joodax iyo Duniyo Maxamed Cali.

Ma jiro wax war ah oo Al Shabaab ay ka soo saareen dilka Odayaashaasi loogu geystay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: