War deg deg ah: Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ka soo horjeesatey Go’aankii Gudiga Khilaafaadka Doorashooyinka uu maanta ku diidey Xildhibaano cusub oo ka soo galey dhamaan gobolada Soomaaliya – Akhriso labada Go’aan

WAAJIDPRESS – 14 DEC 2016:

War Saxaafadeed Oo Goordhow ay soo saareeen Gudiga Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Soomaaliya ayaa lagu Qaadhacey Go’aankii Maanta Gudiga Xalinta Khilaafaadka Ee Doorashoyinka Soomaaliya ay ku sheegeen in 5 Mudane oo laga soo doortey Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay baabi’yeen Gebi haan Natiijada Doorashooyinkaas.

Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaaliya ayaa war saxaafadeedkoodu ay ku sheegey in Gudiga Xalinta Khilaafaadka ay sameeyeen Musuq Maasuq baahsan isla markaaana ay bartil maamadeysteen Sida hadalka ay u dhigeen Mudanayaasha Aqalka Hoose Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale war Saxaafadeeda Gudiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed  ayaa lagu sheeegey in aysan qaban doonin Doorashada 5 kursi ay soo celiyaan Gudiga Xalinta Khilaafaadka Ee Soomaaliya.

Gudiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxay sheegey in doorashooyinkii ka dhacey Koonfur Galbeed Soomaaliya ay u dheceen Si Xur iyo Xalaal ah isla markaana ay waa fuqsan yihiin Sharciga iyo Heshiiyadii Madashada Hogaanka Qaranka Ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah xildhibaanadan Koonfur Galbeed ka soo galey ayaa sheegay in amar uu ka yimid Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Somalia Shariif Xasan Shiikh Aadan oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo, Amar kaasoo ah:

“Shariif Xasan wuxuu amar nagu siiyey inaanan qaadan kaararka aqoonsiga iyo shahaadooyinka inta laga xalinayo shan ka mid ah xildhibaanada bay iyo Bakool oo ka mid ahaa 11 xubnood oo guddiga xalinta khilaafaadku ay diideen doorashadii ay ku soo baxeen, iyagoo sheegay in dib loogu laabanayo” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan kuwa ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xalinta Khilaafaadka Heer Federaal, ayaa laalay 11 ka mid ah kuraasta lagu soo kala doortay Magaalooyinka Garoowe, Cadaado, Jowhar, Kismaayo iyo Baydhabo.

Akhriso Warsaxaafadeedka maanta Baydhaba ay ka soo saareen Gudiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka dibna akhriso Magacyada iyo Qabiilada Xildhibaanada ee maanta lagu celiyey dhamaan maamul Goboleedyada:

gudiga-doorashada-kgs-oo-qaadhacey-goaan-gxkh

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Soomaaliya , ayaa Maamulka Koonfur Galbeed ku celiyay in dib loogu soo tartamo shan kursi, oo hannaanka lagu soo doortay ku sheegay mid waxba kama jiraan ah.

Guddiga, ayaa Maamulada Hirshabelle iyo Puntland dib ugu celiyay min laba kursi, halka Jubbaland iyo Galmudug iyana lagu celiyay min hal kursi.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka, ayaa War Saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in la soo gaarsiiyay 67 dacwadood, oo waafaqsan habraaca u degsan soo gudbinta dacwooyinka, iyagoona go’aamiyay in dib loogu noqdo 11 kursi oo keliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Talaadadii sheegay in Guddiga Xalinta Khilaafaadka looga fadhiyo in ay xal ka gaaraan kuraasta uu murunka hareereeyay – Akhriso Qabiilada iyo Magacyada ay ka soo kala jeedaan:

1. Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed (Macalin Weyne/ D&M/ Koonfur Galbeed).
 2. Samra Ibraahim Cumar (Geelidle (D&M/K/Galbeed)
 3. Muna Khaliif Sheekh (Tuni/Daaqtire/D&M/K/Galbeed).
 4. Maxamed Saciid Cabdullaahi ( Begedi/D&M/K/Galbeed)
 5. Nadiifa Aadan Isaaq ( Shanta Caleen/D&M/K/Galbeed).

6 Maxamed Cabdullaahi Cabdullaahi Nuux (Jidle/Hirshabelle)
 7. C/laahi Maxamed Aadan ( Gaaljecel/Jubaland).
 8. Cabdi Maxamuud Axmed (Majeerteen/Ugaar Saleeban/ Puntland).
9. Sharmarke Garaad Saleebaan (Dhulbahante/Puntland).
10. Cabdicasiis Saalax Carmaan (Carab Soomaali/HirShabelle).

 11. Maxamed Abtidoon (Gaabane/Saleebaan/Galmudug).

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: