Saraakiisha Dowladda oo sheegay inay hubeynayaan shacabka Sh.dhexe si Shabaab ay ula dagaalamaan

WAAJIDPRESS – 13 DECEMBER 2016:

Saraakiisha Dowladda Federalka Somaliya ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa shaaca ka qaaday inay hubeynayaan dadka shacabka ah ee Gobolkaasi ku nool si ay ula dagaalamaan Ururka Al Shabaab oo muddooyinkii dambe la sheegay inay kordhiyeen cadaadiska ay ku hayaan Bulshada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabellaha dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye, ayaa sheegay dadka deegaanka inay caawinayaan si ay Shabaab ula dagaalamaan, maadaama Shabaab ay wax ku leeyihiin in la iska dhiciyo oo kaliya.

Waxa uu sheegay iyadoo xilligaan Gobolka ay ka jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada Al Shabaab dadka inay ku cadaadiyaan inay dhaqaalo keenaan, taasi oo aysan Bulshada awood badan u laheyn.

“Dhibaatooyin ay shacabka ku hayaan aad cadaadis u ah cadaadiskaasi oo ah xoolahoda inay ka qaataan, abaar ayaa dhacday dadkii aanan xoolo haysan lacag ayaa laga qaadayaa, dadka waan dhiiragelinaynaa rag ayaan ku dareynaa abaabul ayaan sameynaynaa si ay Shabaab isaga celiyaan.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabellaha dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye.

Sarkaalkaan ayaa intaasi wuxuu raaciyay hadalkiisa dadka xilligaan inay dareemeen Shabaab dhibaatooyinka ay ku hayaan, maadaama Shabaabka ay kordhiyeen cadaadiska Bulshada iyaga oo dhaqaale doon ah.

Khaliif Cabdi Cabdulle, ayaa soo hadal qaaday labo nin oo shacab ah oo Gobolka Shabellaha Dhexe ku dilay nin ka tirsan Al Shabaab, kadib markii dadkaasi shacabka ah Shabaab dhowr mar ay ka qaadeen qarashaad aysan awood u laheyn.

Ugu dambeyn Taliyaha wuxuu sheegay inay ka shaqeynayaan sidii dadka shacabka ah si gaadmo ah ay ugu dili lahaayeen madaxda Al Shabaab ee Shabellaha Dhexe ku sugan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: