War deg deg ah: Furitaanka Baarlamaanka oo maanta dib u dhac ku yimid ka dib markii Xildhibaanada lagu soo doortey baydhaba ay qaadaceen ka qeybgalka shirka

WAAJIDPRESS – 15 DEC 2016:

Waxaa dib u dhac uu ku yimid dhaarinta xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 10-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo maanta la filayay in ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.

Sababaha dib u dhaca uu Dhaarintii iyo Shrikii Baarlamaanka cusub ayaa la sheegay in Xildhibaanada ugu badan Soomaaliya ee lagu soo doortey Magaalada Baydhaba oo tiradooda ah 77 Xildhibaan ay diideen ama qaadaceen in ay ka qeybgalaan Shirka Baaralamaanka iyo qaadashada shahaadada ama aqoonsiga ee Xildhibaanimo ee Baaralamaan, ayagoo sababna uga dhigey in Gudiga Xalinta Khilaafaadka uu wado Musuqmaasuq ah in laga taqaluso 5 Xildhibaan oo Baydhaba lagu soo doortey, waxay kaloo shirkooda Jaraaid maanta Muqdisho ku sheegeen in aysan qaadaneynin Shahaadooyinka ilaa uu Gudiga Xalinta Khilaafaadka ka noqdo Go’aankaasi.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed wuxuu Shacabka Soomaaliyeed, Madasha Hogaanka Qaranka iyo Beesha Caalamka la socodsiinayaa in go’aanka Guddiga Xalinta Khilaadaafka Doorashooyinka ay kusoo celiyeen kuraasta 11ka ah, kuwaas oo 5 kamid ah lagu soo celiyay Koonfur Galbeed uu yahay mid aan xaqiiqda ku saleysneyn oo hareer marsan habraacyada doorashooyinka 2016.

Dhinaca kale War- Murtiyeed ay Maanta Si Wada Jir Ah Ay Soo Saareen Maamulada  Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jubbaland, Gal-mudug Iyo Puntland ayay si cad ah uga soo horjeestey Go’aankii Gudiga Xalinta Khilaafaadka ee Federaalka  uu laalay 11-ka xildhibaan, isla war murtiyeedkooda ayay si wada jir ah ku sheegeen in Go’aankaasi  uu yahay mid musuqmaasuq ah isla markaana ah mid la siyaasadeeyey.

Mudo 2 bil laga joogo ayaa Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran ayaa shir ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku go’aamiyeen in 15-ka Bishan oo maanta ah ay dhici doonto dhaarinta xildhibaanada Baaralaamanka 10-aad.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: