War deg deg ah: Qarax ismidaamin ah oo Maanta lagu Burburiyey Maqaaxida the Village ee Muqdisho.

WAAJIDPRESS – 15 DEC 2016:

war-deg-dega12

qaraxa-3-1 qaraxa-5-1 qaraxa-8-1

Waxaa goordhaw qarax aad u xoog badan si weyna looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka Guriga Hooyooyinka gaar ahaan meel aad ugu dhaw Maqaayada The Village.

Qaraxa oo lala Bartilmaamsaday Maqaaxida The Village ee ku taalla Hooyooyinka ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Wararka ayaa sheegaya in Gaariga ugu horreyn lagu dhuftay Maqaaxida islamarkaana uu qarxi waayay balse muddo 10 daqiiqo kadib uu qarxay.

Taliyaha Qaybta Booliska Waliyow Cadde, Korneyl Maxamed Daahir Cabdulle ayaa ka badbaaday qaraxani oo ka dhacay  nawaaxiga guriga hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho.

Qof watay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa la sheegay inuu ku qarxay wadada laamiga ah ee guriga hooyooyinka u dhaw, xilli halkaasi uu maraayay Taliyaha Qaybta Booliska Waliyow Cadde.

Qaraxani ka dhacay Agagaarka Guriga Hooyooyinka gaar ahaan The Village ayaa ku soo warramaya in ay jiran dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay Qaraxasi.

Waxaa ku dhintey Askari ka tirsan Ciidanka dowlada,  2 qof oo Saxafi ah iyo mid ka mid ah ilaalada Shirkad gaar looleeyahay  ayaa ku dhaawacmay weerarkaas.

Bur bur xoogan ayaa soo gaaray Maqaaxida The Village ee Magaalada Muqdisho. Qaraxyada ismiidaaminta ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho oo xilligaan isku diyaarinaysa Doorashooyinka.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: