NATO oo ku dhawaaqday inay joojinayso howlgalka Biyaha Somaliya

WAAJIDPRESS – 17 DECEMBER 2016:

NATO ayaa sheegtay in laga yaabo inay joojiyaan howlgalkii burcad la dagaallanka ah ee ay ka wadeen biyaha Somaliya, inkastoo muddooyinkii dambe ay hoos u dhaceen weeraradii ay qaadi jireen Burcad badeeda Somalida.

Afhayeen u hadashay howlgalka NATO ee biyaha Somaliya ayaa tilmaamtay in la qorsheynaayo bilo kadib inay gabi ahaanba hakiyaan howlgalladii ay kula dagaallamayeen burcad badeedda, waxaana sababta arrintaasi ugu weyn ay la xiriirtaa dhanka dhaqaalaha.

Waxay sheegtay Afhayeenkan in howlgalka markii uu joogsado kadib ay si kor ahaan ah kala socon doonaan dhaq-dhaqaaqyada iyo isku dayada ay sameeyaan kooxaha burcad baddeeda ah.

Waxaa jira dalal ay ka mid tahay India oo sheegay in howlgalka ay sii wadi doonaan, islamarkaana ay la dagaallami doonaan kooxaha burcad badeedda Somalida.

Inkastoo muddooyinkii ugu dambeeyay uu hoos u dhacay ugaarsiga kooxaha burcad badeedda ee ku aadanaa qafaalashada maraakiibta, waxaa hadana laga baqayaa in mar kale ay dib u dhacdo in ay soo xoogeystaan kooxahani.

Dhalinyaro badan oo Somaliyed ayaa ku xiran dalka India, halkaasi oo ay ku dhibaateysan yihiin, kuwaasi oo la sheegay inay yihiin Burcad badeed.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: