War Deg Deg ah:- Dagaalyahanada Al-shabaab oo la wareegay Degmada Mahaddaay Ee Gobolka Sh/dhexe

WAAJIDPRESS – 17 DEC 2016:

Dagaalameyaal ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa Xalay Dagaal kula wareegay Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe,waxaana la sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Magaalada Banaanka uga baxeen.

Ciidamada Dowlada ayaa markii uu dagaalka bilowday kadib isaga baxay degmada Mahaday, waxaana halkaasi la wareegay dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka ku galay, inkastoo ay saakay waabarihii dib uga baxeen degmada.

Dagaal ka dhacay Magaalada ayaa la sheegay inuu geystay Dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Labada Dhinac,waxaana la xaqiijiyay in Labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ay Dagaalka ku dhinteen.
Goobjoogeyaal ayaa Xaqiijiyay in Gacan ku haynta Magaalada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe ay la wareegeen Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Magaalada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha dhexe ayaa ka mid ah Magaalooyinka ugu Muhiimsan ee ku yaalla Gobolka Shabellaha Dhexe.
Maamulka Hirshabelle iyo kan Degmada Mahaddaay weli kama hadlin Dagaalka Al-shabaab ay Xalay ku qabsadeen Degmadaasi Mahaddaay.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: