War deg deg ah: MUSHARAXA SHARIIF Xassan Ayaa ku guuleystey in Xildhibaan Qeyliye uu isku SOO sharaxo GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA ee Aqalka Hoose

WAAJIDPRESS – 17 DECEMBER 2016:

img_1155

MUSHARAXA jagada madaxweynenimo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku guuleystay in uu ku qanciyo Ganacsade Saciid Nuur Gariis Qeyliye (OO ka SOO JEEDA Beesha Habargidir) oo ah Ganacsade dhawaan helay Xubin ka mid ah Barlamanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya in uu u tartamo xilka Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya.
Saciid Nuur Gariish ayaa Beri Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqi doona musharaxnimadiisa gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya, waxana taasi ay Caqabad ku tahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Musharaxa Saciid Nuur Gariish hadii uu noqdo Gudoomiye Barlaman waxaa meesha ka baxaya in musharaxiin badan in ay tartan ugalaan Madaxweynanimada Soomaaliya waxana xilkiisa weyn doona Madaxweyne Xasan Sheekh, madaama la ilaalinayo hanaanka 4.5.

Saciid Nuur Gariish Qeyliye ayaa ka soo jeeda Beesha Hawiye, Habargidir waxana talaabadda uu qaadi doono ay caqabad ku tahay Musharaxiinta ugu badan sanadkan oo ah beesha Hawiye.
Wararka Hoose ayaa sheegaya in Saciid Nuur lagu qanciyay in Madaama aysan Habargidir Heleyn Madaxweynanimada Soomaaliya uu isagu helo kursi u dhigma Madaxweynanimo oo ah Gudoomiyaha Barlamanka.
Inta badan Xildhibaanada Hawiye ee ka soo horjeeda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku taageeray musharaxnimadiisa isagoo sidoo kale heli doona taageerada digil iyo mirifle iyo beesha Daarood.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: