War deg deg ah: Taliye Ku Xigeenkii 3aad ee Ciidanka Booliska Punt land Gaashaanle Sare Jaamac Saxardiid oo u Geeriyooday Dhaawicii Gaadhay

WAAJIDPRESS – 17 DEC 2016:

Boosaaso  – Taliye ku xigeen ka saddexaad ee ciidamada booliska Puntland oo dabley hubeysani ay shalay dhaawac halis ah ugu geysteen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa geeriyooday.

Gaashaanle Sare Jaamac Saxardiid Cabdi, oo lagu daweynayey isbital ku yaalla magaalada Boosaaso oo qalliin lagula sameeyey ayaa u geeriyooday dhaawacyadii kasoo gaaray rasaastii shalay lagu dhuftay.

Jaamac Saxardiid ayaa dabley bastoolado ku hubeysnaa waxay shalay soo weerareen isaga oo shaah ku cabaya banaanka hotelka Medina ee magaalada Boosaaso oo uu deganaa.

Dableyda weerarka gaysatay ayaa baxsaday, hase yeeshee taliyaha ciidamada Booliiska Puntland ayaa sheegay inay garanayaan islamarkaana ay soo qabaan doonaan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: