War deg deg ah: Kooxo hubaysan oo Magaalada Boosaaso ku toogtay Agaasimihii Madaxtooyada Boosaaso ee MAAMULKA PUNTLAND

WAAJIDPRESS – 20 DEC 2016:

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubaysan goor dhaweyd Magaaladaasi ay ku toogteen Agaasimihii Madaxtooyada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Agaasimaha la dilay ayaa lagu magacaabaa Aadan Gaas Huruuse, waxaana lagu toogtay Magaalada Boosaaso dhexdeeda sida ay xaqiijinayaan Saraakiisha Maamulka Puntland.

Kooxaha ka dambeeyay dilka Agaasimaha Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso, ayaa ka baxsaday goobtii ay ka geysteen falka dilka ah.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay, ayaa halkaasi waxa ay ka wadaan baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglayaasha ka dambeeyay dilka Agaasimaha.

Magaalada Boosaaso, muddooyinkaan dambe waxaa ku soo badanaya dilalka qorsheysan iyo ugaarsiga lagu haayo Saraakiisha la shaqeysa Maamulka Puntland ee ku sugan Magaaladaasi.

Khamiistii aan soo dhaafnay ayeey aheyd markii Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari lagu toogtay Taliye ku xigeenkii saddexaad ee ciidamada Booliska Puntland, kaasi oo dhaawacii soo gaaray maalintii Jimcaha uy geeriyooday.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: