War deg deg ah: Madasha Shirka Hogaamiyeyaasha oo MUQDISHO KA oo go’aano cusub laga soo saarey

WAAJIDPRESS – 20 DEC 2016:

Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka go’aan ka gaareen in Doorashadda Guddoonka Barlamaanka la qaban doono bisha January 5-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka, halka Doorashadda Madaxweynaha la qaban doono isla bisha January 22-da ee sannadkan.

Madasha Madasha Wada-tashiga Qaranka waxay go’aan ka soo saareen Shuruudaha laga doonayo Musharixiinta ku loolami doono Xilka Madaxweynaha JFS, waxayna Shuruudahaasi kala yihiin:-

1. Inuu Musharax Madaxweyne kasta bixiyo Kharajka Diiwaan-gelinta oo dhan 30,000 oo Dollarka Maraykanka.

2. Inuu Musharax kasta taageero ka haysto ugu yaraan 30-Xildhibaan oo xaq u leh inay codeeyaan.

Sidoo kale, Qoraalka qabyadda ee hordhaca u ah War-murtiyeedka ay sida wadajirka u saari doonaan Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa waxaa kaloo lagu go’aamiyey:

Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa diiday go’aankii Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ku laaleen 11-kursi oo ka mid ahaa kuraasta aqalka Hoose ee dhowaan lagu soo doortay shanta xarumood ee maamul goboleedyada.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Madaxda Madasha oo tan iyo jimcihii shir ku lahaa Madaxtooyada ayaa go’aanka kaliya ee ay isku raaceen uu yahay diidmada kiiskii 11-ka kursi ee ay laaleen Guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: