War deg deg ah: Weerar Khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan

WAAJIDPRESS – 21 DEC 2016:

Sida ay sheegayaan Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne Galbeedkeeda weerar Khasaare geystay ayaa ka dhacay duleedka Magaaladaasi.

Weerarkaan ayaa waxaa soo qaaday dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab oo beegsaday goob ay Isbaaro dhigteen Maleeshiyaad hubaysan oo isa soo aruursaday.

Deegaanka weerarka uu ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Caloola Cad oo qiyaastii 15 KM u jira ee Magaalada Baledweyne, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Hal ruux oo ka mid ahaa Maleeshiyaadka weerarka lagu soo qaaday ayaa halkaasi ku dhintay, halka intii kalena ay firxadeed, kadib markii ay u taagwaayeen iska dhicinta Al Shabaab.

Taliyaha ciidamada Millateriga Gobolka Hiiraan Tawane Axmed Gurey oo la hadlay Dhacdo.com, ayaa sheegay ciidanka isbaarada dhigtay inay ahaayeen Maleeshiyaad oo aysan aheyn ciidan Dowladeed.

Waxa uu sheegay Taliyaha inay maqleen weerarkaasi ay geysteen Al Shabaab, balse aysan ogeyn macluumaadka la xiriira Khasaaraha weerarkaasi ka dhashay.

Duleedyada Magaalada Baledweyne ayaa waxaa ku sugan Maleeshiyaad hubaysan oo hab qabiil u abaabulan, kuwaasi oo dadka iyo gaadiidka ka qaada lacago sharcidaro ah, maadaama aysan jirin cid lacag siisa.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: