War deg deg ah: Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 22 DEC 2016:

Qarax miino, ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kalana uu gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxan, ayaa ka dhacay afaafka hore ee garaash ku yaala xaafadda Black Sea ee Degmada Hodan, gaar ahaan meel ku dhow xaruntii hore ee shirkadda diyaaradaha ee Daallo Airlines.

Garaashkan waa midkii lagu soo diyaariyay qaraxii 26-kii bishii hore ee November ka dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi, iyadoo maalin ka dibna ay la wareegeen laamaha ammaanka.

Goobjooge ka waramay qaraxaasi, ayaa yiri “Qaraxan waxaa lagu aasay albaabka garaashka, gaar ahaan meel ay fariistaan Ciidamada Dowladda. Waxaana ku dhimatay saddex qof, afar kalana way ku dhaawacantay.”

Goobjoogaha, ayaa yiri “Saddexda qof ee dhimatay dhammaantood waa shacab, afarta kale ee dhaawacantayna saddex ka mid ah waa shacab, midka kalana wuxuu ka tirsan yahay Ciidamada Booliska.”

Waxaa uu intaa ku daray “Ciidan fara-badan ayaa goobta soo gaaray qaraxa ka dib, iyagoona xiray wadooyinka soo gala garaashka, waxayna goobtaasi ka qaadeen meydadka iyo dhaawacyada.”

Saraakiisha Nabad Suggida iyo Booliska Gobolka Banaadir oo hadda ku sugan garaashka uu qaraxu ka dhacay, ayaa gacanta ku haaya baaritaanada ku aadan qaraxaasi.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: