Laba nin oo caawa lagu dilay xaafadda Bangaariya ee Degmada Hodan

WAAJIDPRESS – 24 DEC 2016:

Laba nin oo rayid ahaa, ayaa caweysnimadii caawa lagu dilay xaafadda Bangaariya ee Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Raggan, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay dileen niman qowleysata ah, oo xilliyada habeenkii dadka ku baarta xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Qowleysatan, ayaa waxaa la soo warinaya in ay ka carareen halkii ay dilka ka gaysteen, iyagoona horey u sii qaatay teleefanadii gacanta ee raggaasi wateen.

Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida oo gaaray goobtii uu falku ka dhacay, ayaa waxay ka sameeyeen hawlgal amni xaqiijin ah, lamana soo sheegin cid ay gacanta ku soo dhigeen.

Dadka deegaanka, ayaa kuu sheegaya in labada ciidan ay halkaasi ka qaateen meydadka, isla-markaana ay geeyeen Xarunta Dembi Baarista CID.

Dilka labadan nin, ayaa ku soo aadaya, xilli fiidnimadii caawa laba nin oo kale lagu dilay Degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Farmashiye Lafoole oo ku dhow Suuqa Wayn.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: