War deg deg ah: Iska hor imaad Khasaare geystay oo dhexmaray ciidamada Liyuu Boolis iyo ciidanka Puntland

WAAJIDPRESS – 28 DEC 2016:

Wararka aan ka helayno deegaanka loo yaqaano Dudun, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin kuwa Puntland iyo ciidanka Liyuu Boolis.

Iska hor imaadka, ayaa yimid kadib markii ciidamada Liyuu Boolis ay gudaha u soo galeen deegaano ka tirsan dhulka Somaliya oo la sheegay in markii hore ciidanka Liyuu Boolis aysan joogin.

Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland oo ka ambabaxay deegaanka Buursaalax, ayaa la sheegay inay halkaasi tageen oo ciidamada Liyuu Boolis ay la dagaalameen.

Wararka laga helayo magaalada Bursaalax oo deegaan ah ugu dhaw Dudun ayaa sheegaya in ay jireen maalmahan xiisada halkaas ka jirta, taas oo ka dambeysay markii ay ciidamada Liyuu Police-ku soo gaareen deegaano kamid ah dhulka Somaliya.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu ku dhintay Askari ka tirsan ciidamada Puntland oo dagaalka qayb ka ahaa.

Ciidamada badan oo ka tirsan kuwa Liyuu Boolis ayaa soo gaaray goobaha lagu dagaalamay, waxaana la sheegay ciidamadii Puntland inay u carareen dhanka Buursaalax.

Ciidamada Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya ayaa isku daya inay dhul ballaarsi ku sameeyaan deeganada Somalida.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: