War deg deg ah: Qarax saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 28 DEC 2016:

Wararka aan ka helayno Degmada Howlwadaag, gaar ahaan Suuqa Bakaaraha nawaaxiga halka loo yaqaan Maalin Taajir, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay qarax gaari lagu soo xiray.

Qaraxan ayaa lagu soo xiray gaari uu leeyahay nin ganacsade ah, gaariga ayaa wuxuu yaalay nawaaxiga Hotelka Waahen ee ku yaalla Suuqa Bakaaraha, xilliga uu qarxaayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay xilliga gaariga uu qarxaayay inaysan cidna ku dhex jirin oo kaligiis uu meel yaalay, mana jirin Khasaare nafeed oo ka dhashay, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaasha.

Qaraxa ayaa wuxuu ku xirnaa meel ku aadan Kursiga uu fariisto ninka Darawalka ah, sida Saraakiisha ammaanka ay sheegeen, laakiin qorshihii laga damacsanaa qaraxaasi ayaanan suuragelin.

Sarkaal ka tirsan Nabad Suggida Somaliya ayaa Dhacdo.com wuxuu u sheegay inay gaareen goobta ay wax ka dhaceen, balse uusan jirin Khasaare ka dhashay qaraxaasi, marka laga reebo bur bur soo gaaray gaariga.

Ninka ganacsadaha ah ee gaarigaasi qarxay lahaa, ayaa la sheegay inuu ku jiray meel maqaayad ah oo uu ka cunteynaayay, xilliga gaarigiisa uu qarxay, waxaana uu soo baxay isaga oo naxsan, kadib markii uu maqlay jugta qaraxa.

Dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay yihiin kuwa siyaabo kala duwan u dhaca, lamana oga ilaa hada cida rasmi ahaan ka dambeysa isku daygaasi dil ee lala damacsanaa ninkaasi ganacsadaha ah.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: