KALA OROD CAAWA KA DHACAY XEEBTO LIIDO MAGAALADA MUQDISHO

WAAJIDPRESS – 30 DEC 2016:

Israsaaseyn xoogan ayaa caawa ka dhacday agagaarka xeebta Liido ee magaalada Muqdisho taasoo dhexmartay ciidamo ka tirsan dowlada iyo ilaalada hotelada halkaasi ku yaalla qaarkood.

Goob joogayaal ayaa sheegay in israsaastu ay bilaabatay markii ilaalada hotelka Beach view iyo hotel deris la’ah ay rasaas ku fureen gaari nooca Soomaalidu u taqaano Cabdi bilaha oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan nabad sugida Somalia.

Ilaalada labada hotel ayaa la sheegay iney ka shakiyeen gaariga Cabdi bilaha oo ka yimid dhinaca xeebta, kaasoo iska dhega mariyey digniin la siiyey oo aheyd inuu joogsado, waxayna taasi sababtay iney rasaas ooda kaga qaadaan gaarigan oo si xowli ah ku socday, iyadoo ciidamadii la socday gaariga ay iyana rasaas kale ku jawaabeen.

Israsaaseyntan oo socotay qadar daqiiqado ah ayaa saameysay dadkii ku caweynayey hotelada halkaas ku yaalla qaarkood oo bilaabay iney kala cararaan ka dib markii rasaasta halkaas la isku weydaarsanayey ay u qaateen in goobta uu ka bilowday weerar ay soo qaadeen rag ka tirsan Al-Shabaab jahwareer xoogan ayaaa goobta ka dhacay.

Dad badan oo ku sugnaa Xaflad aroos ah oo ka socotay mid ka mid ah hotelada halkaas ku yaalla ayaa la sheegay iney mar kaliya ooda kala jabsadeen, waxaana isbuurasho iyo khal khal badan laga dareemay albaabada laga galo qeybaha uu aroosku ka socday, iyadoo dadka qaar ay iska soo tuureen dabaqyada hotelada si ay naftooda ula baxsadaan.

Goobaha laga cararay ayaa waxaa daadsanaa kuraas, mobilo fara badan, kabo kala jaad ah iyo waxyaabo kale oo ay wateen dadkii goobtaas ku sugnaa.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada oo markiiba goobta gaaray ayaa la sheegay iney xaalada qaboojiyeen, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay israsaaseynta ka dbacday xeebta Liido iyo isbuurashada ka dambeysayba.

Xeebta Liido ayaa ka mid ah goobaha ugu badan ee loo damaashaad tago magaalada Muqdisho, waxaana ku yaalla hotelo iyo baarar loogu talo iney dadku ku nastaan, iyadoo halkaasi ay horey uga dhaceen weeraro iskugu jiray qaraxyo ismiidaamin ah iyo kuwo toos ah oo ay fuliyeen dabley ka tirsan al-shabaab, kuwaasoo salfaday nolosha dad badan.

Maadaama dhowr weerar ay halkaas ka dhaceen ayaa dadka ku sugan xeebta Liido waxay yihiin kuwo dareen ku joog ah, iyadoo mar kasta la fili karo weeraro halkaas lagu soo qaado.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: