Xildhibaanada oo ansaxiyay lacagaha laga doonayo musharaxiinta iyo Xildhibaanada la diiday oo la dhaariyay

WAAJIDPRESS – 31 DEC 2016:

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa meelmariyay lacagaha laga doonayo musharaxiinta.

Xildhibaanada, ayaa ansaxiyay in musharaxiinta Madaxweynaha laga doonayo soddon kun oo lacagta Mareykanka ($30,000), halka musharaxiinta Guddoonka Baarlmaanka, ay iyaguna tahay in ay bixiyan shan iyo toban kun oo dollar ($15,000).

Dood, ayaa ka dhalatay ansaxinta lacagaha ay tahay in ay bixiyan musharaxiinta, inkastoo markii dambe loo codeeyay in cod loo qaado, iyadoona inta badan Xildhibaanada ay isla qaateen in musharaxiinta Madaxweynaha laga rabo soddon kun oo dollar, halka musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka, iyana laga doonayo shan iyo toban kun oo dollar.

Gudoomiyaha kmg ee Baarlamaanka, Cismaan Cilmi Boqore, ayaa ku dhawaaqay in 226 Xildhibaan, ay haa ugu codeysay, iyadoo 11 ay diiday, halka 2 kalana ay ka aamustay.

Gudoomiyaha, ayaa wuxuu sheegay in meelmarinta Xildhibaanada ay ansax tahay, musharax kastana laga doonayo in uu bixiyo lacagahaasi.

Dhanka kale Xarunta Golaha Shacabka, ayaa maanta lagu dhaariyay 17 Xildhibaan. Xildhibaanada la dhaariyay waxaa ku jira Maxamed Axmed Abtidoon iyo Muna Khaliif Sheekh Abu (Muna Kay), oo horey ay u laaleen Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Talaadadii, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu dhaariyay 281 Xildhibaan, iyadoo illaa iyo hadda Xildhibaanada la dhaariyay, ay wadartoodu noqonayso 298 Mudane, kana wada tirsan Labada Aqal.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: