Archive for Janaayo, 2017

War deg deg ah: DAAWO: MUSHARAXIINTA oo hada qodobo kasoo saaray doodii musharixiinta maanta hakadka galay

Janaayo 31, 2017

WAAJIDPRESS – 31 JAN 2017:

Ayadoo maanta lagu kala booday doodii adkeyd ee dhex mari lahayd musharixiinta utaagan madaxtinimada dalka soomaaliya kasoo lagu waday in si live ah loo tabiyo kana dhacdo xarunta barlamaanka soomaaliya.
Doodaas oo maanta hakad gashay kadib markii ay musharixiinta isku khilaafeyn qaabka udhaceyso madaama gudiga doorashada oo sheegay in caasimada kamaqantahay qadka internedka in la duubo ayna tabin karaan oo qura tv-ga dowlada.
Arintaasi ayaa si kulul waxa oga soo horjeyste musharixiinta utaagan qabashada xilka madaxweyninimo ayagoo sheegay in arintaasi katimid madaxtoyada soomaaliya oona wato xasan sheekh – DAAWO:

 

 

War deg deg ah: DAAWO: MUSHARAXIINTA OO CODSADEY IN XILDHIBAAN FARTAAG LAGA SAARO GUDIGA DOORASHADA

Janaayo 31, 2017

WAAJIDPRESS – 31 JAN 2017:

 

War deg deg ah oo hadda soo dhacay: Nabadoon lagu dilay Magaalada Muqdisho

Janaayo 31, 2017

WAAJIDPRESS – 31 JAN 2017:

Nabadoonkan oo lagu magacaabi jiray Malaaq Maxamed Cali, ayaa waxaa xalay lagu dilay dhabarka dambe ee Saldhiga Booliska Degmada Dharkiinley ee Galbeedka Magaalada Muqdisho.

Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay Malaaq Maxamed Cali ku weerartay dhabarka dambe ee Saldhiga Dharkiinley, wax yar ka dib markii uu Salaadda Cishaha ku soo tukaday masaajid halkaasi ku yaala.

Raggan, ayaa dhawr xabadood huwiyay ninkaasi odayga ah, iyagoona rasaasta kaga dhuftay qaybaha kore ee jirkiisa. Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawacyo halis ah oo rasaastaasi ka soo gaaray.

Dembiile-yaasha, ayaa durbaba ka baxsaday goobtaasi, waxaana sidii caadada ahaydba u suurta-gashay in ay ka baxsadaan gacanta sharciga.

Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida Degmada Dharkiinley oo dilka ka dib gaaray goobtii uu falka ka dhacay, ayaa ka sameeyay hawlgal la xiriira dembiile-yaasha, walow ay ku fashilmeen soo qabashadooda.

Goobjooge, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay halkaasi ka sameeyeen hawlgal aan buurnayn, isla-markaana ay isaga taggeen, iyadoo aysan jirin cid ay dilka u soo xir xireen.

Malaaq Maxamed Cali oo deegaan ahaan ka soo jeeda Koonfur Galbeed, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay deganaa Dharkiinley, lamana garanayo ujeedada ka dambeysa dilkiisa.

Ma jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda dilkan, balse dilalka ceynkani oo kala ah waxaa aalaaba lala xiriiriya mintidiinta Ururka Al Shabaab.

DAAWO: Xildhibaan Goodax oo Kashifay Wadamada Faragelinta ba’an ku haya Doorashada Somalia

Janaayo 31, 2017

WAAJIDPRESS  – 31 JAN 2017:

 

War culus: DAAWO: GUDOOMIYAHA GUURTIDA SOMALILAND OO U JAWAABEY FAYSAL CALI WARAABE

Janaayo 31, 2017

WAAJIDPRESS – 30 JAN 2017:

 

DAAWO: BAROORDIIQ BAYDHABA LOOGU SUUBIYEY MALAAQYADII LAGU DILE MUQDISHO

Janaayo 31, 2017

WAAJIDPRESS – 30 JAN 2017:

 

 

War deg deg ah: Qarax Xoogan oo hadda Muqdisho ka dhacay

Janaayo 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 JAN 2017:

Muqdisho – Qarax Miino oo lagu soo qariyay Bac oo la dhigay Maqaayadd ku taalla Agagaarka Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho ayaa dhalisay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac ah.

 3 Ruux ayaa ku dhintay Qaraxani,  10 ruux  kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii Qarax lagu beegsaday maqaaxidani oo  ku taalley nawaaxiga Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Maqaaxidan ayaa waxaa inta badan fariista Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Sedexda Ruux ee Qaraxan ku dhimatay midkood ayaa lagu sheegay in uu ahaa Askari ka mid ahaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi ay baxsadeen.

War deg deg ah: DAAWO: Somaliland oo Joojisay Baasaaboorka Soomaaliya

Janaayo 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 JAN 2017:

 

XOG: Puntland iyo Galmudug oo Markale laga Cabsi Qabo inay ku Dagaalamaan Magaalada Gaalkacyo

Janaayo 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 JAN 2017:

Warar goor dhow aynu ka helnay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in xaalad cabsi ah ay ka jirto magaaladaasi kadib hub uruursi ay bilaabeen ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug
Bartamaha magaalada Gaalkacyo ayaa lasoo sheegayaa in aad looga dareemayo maanta xiisaddan u dhaxeysa Labada dhinac, waxaana jira ciidan badan oo magaaladaasi gaarey.

 
Lama oga waxa keenay in hadda hub uruursi isku bilaabaan Labadan maamul oo heshiisiintooda dhibaato badan laga soo maray, balse waxaa la sheegayaa iney dhacdooyin horey ay arrintan aad u daba hayso.

 
Puntland iyo Galmudug ayaa marar badan ku dagaallamay magaalada Gaalkacyo, mana jirin wax faa’ido ah oo ay dagaalkaasi ka heleen, marka laga soo tago shacabka la laayey ee Labada dhinac.

War deg deg ah: Shan (5) ruux oo lagu dilay weerar ka dhacay Masjid ku yaal dalka Canada

Janaayo 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 JAN 2017:

Masjid ku yaalla Gobolka Kubec ee dalka Canada ayaa xalay waxaa weerar ku qaaday Dabley Hubeysan, oo tiro ahaan gaarayay 3 nin oo wajiyada ay u duubnaayeen.

Dableydan ayaa weerarka waxa ay qaadeen xilli fiid ah markaas oo Masjidka ay ku dukanayeen dad fara badan, sida ay Warbaahinta gudaha u sheegeen Dad goobjoogayaal ah.

Inta la xaqiijiyay weerarkan ayaa waxaa ku dhintay 5 Qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka.

Rasaasta ayaa ka dhacday masaajidka oo ku yaala chemin Sainte-Foy, oo ka mid ah labo masaajid oo ay gacanta ku haysto Xarunta Islaamka.

Booliiska ayaa isku gadaamay masaajidka, baraha ay bulshadu ku xiriirtana waxaa la soo dhigay muuqaal muujinaya tiro gawaarida gurmadka degdega ah.

Booliska Dalka Canada ayaa waxa ay sheegeen weerarkan in ay u soo qabteen 2 nin, kuwaas oo laga shakisan yahay, Boolisku weli ma sheegin magacyada nimankan iyo sidoo kale Dadka weerarka lagu Qaarijiyay wadamada ay ka soo kala jeedaan.