War deg deg ah: Akhriso then DAAWO video: Qarax XOOG leh OO hadda ka dhacay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

WAAJIDPRESS- 2 JANUARY 2017:

img_1198 img_1199 img_1200

img_1198 img_1202

Labo qarax oo waaweyn ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo qaraxyadan ay ka dhaceen meel ku dhow garoonka diyaaradaha iyo xarunta Xalane ee sida weyn loo ilaaliyo.

2 Qarax oo is xig xigtay oo maanta lagu weeraray Baro Kontarool oo laga galo Xerada Xalane oo ah Taliska ugu Ciidanka AMISOM ee Magaalada Muqdisho.

Weerarada oo ahaa kuwa loo adeegsaday Gaadiid Walxaha Qarxo laga soo buuxiyay ayaa kan hore waxa uu ka dhacay Kontarool ku yaalla Iridda laga galo Xerada Xalane ee Muqdisho , halka kan 2aad uu ka dhacay Iridda Hoteel Peace.

Qaraxan ayaa la sheegayaa inuu ahaa Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, islamarkaana lagu qarxiyay Koontaroolka laga ilaaliyo Hotelka Peace oo ku dhaw Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wararka waxa ay sheegayaan gaarigan waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay in uu ahaa gaari weyn oo nooca xamuulka qaado ah, waxaana ujeedkiisa uu ahaa sida wararka sheegayaan in lagu bartilmaameedsado Hotelka Peace.

ALLAHA U NAXARIISTO in ka badan 15 ruux oo isugu jiray Shacab iyo Askar ayaa ku geeriyooday tiro ka badan waa ay ku dhaawacmeen kadib 2 Qarax oo is xig xigtay oo maanta lagu weeraray Baro Kontarool oo laga galo Xerada Xalane ooah Taliska ugu Ciidanka AMISOM ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxyadaasi ayaa saameyn ba’an ku yeeshay Xaafado ku yaalla degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir kuwaas oo gebi ahaan ku basbeelay Qaraxyadaasi.

Shacabka qaar ee guryahooda Qaraxyada ay saameeyeen oo Idaacada Shabelle, WAAJIDPRESS iyo Idaacaddaha kale la hadlayey ayaa sheegay in gebi ahaan uu ku soo dumay Guryahooda ayna jiraan dad dhimasho iyo dhaawacyo kala kulmay bur burkaasi.

Qaraxyada maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Xalane ayaa ahaa kuwa aad u xoogan islamarkaana Daryankooda si weyn looga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

War lagu daabacay Boga Al-shabab ay ka isticmaalaan Internetka ayaa lagu sheegay in Al-shabab ay masuul ka ahaayeen Weeraro loo adeegsaday labo Qarax oo ka dhacay iridka Xeradda Xalane.
Warkaan ayaa lagu sheegay Ciidamo ka tirsan Al-shabab in gudaha ay u galeen Hotelka Peace oo ka soo horjeeda Iridka Madiina Gate oo laga galo xerada Xalane.
Al-shabab ayaa sidoo kale sheegay Qaraxii labaad oo ahaa mid xoogan in ay ku bartilmaameedsadeen Peace Hotel islamarkaana ay gaarsiiyeen Hotelka Bur bur xoogan – DAAWO:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: