DAAWO Video then Akhriso: CABDIRASHIID XIDIG, Xildhibaan Xusseen Cismaan Xusseen iyo Jawaari oo isu soo sharraxay Guddoomiyenimada Baarlamaanka Somalia

WAAJIDPRESS – 4 JAN 2017:

img_1204

 

 

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaan Dr. C/rashiid Xiddig ayaa labaduba sheegay in ay u sharraxan yihiin xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Xildhibaan C/shiid Maxamed Xiddig ayaa ku dhowaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka uuna gudbiyay dhamaan dukumintiyadii musharaxnimo.

Xildhibaan Dr. C/shiid Xiddig ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in uu ku guuleysto hogaaminta hogaaminta baarlamaanka afarta sano ee soo socota.

Xildhibaan Dr. C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa sheegay in uu doonayo in uu la yimaado isbedel siyaasadeed oo dhab ah, lana Xiriira Hogaanka Maamulka Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxana uu beeniyay Xildhibaan Xiddig in uu Musharax u yahay cid gaar ah, maadaama maalmihii u dambeeyay arrintaasi la isla dhex marayay.

Musharixiinta ku dhowaaqday inay u taagan tahay xilalka ugu sareeya guddoonka baarlamaanka ama golaha shacabka ayaa waxaa kaloo ka  mid ah:

Xildhibaan  Xuseeen Cismaan Xuseen  (oo ka soo jeeda Beesha Hawiye), Waxa uu ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Shaaciyay inuu yahay Musharax u taagan Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharrax Guddoomiyaha Baarlamaanka Xuseen Cismaan Xuseen oo maanta sheegey in uu yahay Waayo arag wax badan ku soo dhex jiray Siyaasadda iyo arrimaha kale ee Horumarinta dalka ayaa sheegay in uu ku sifoobi doono haddii uu ku guuleysto xilkaan, wax ka qabashada:-

1: Cadaaladda iyo Sinnaanta.

2: Hoggaamin Dhab ah.

3: Dhameystirka Shuuruucda dalka.

4: ilaalinta Shuruucda dalka.

Mudane Xuseen Cismaan Xuseen ayaa sheegay in muddo 12 sano uu ka mid ahaa Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaana uu shaaca ka qaaday in uu soo noqday Wasiir ku xigeenkii Amniga iyo Wasiir ku xigeenkii Beeraha Xukuumadihii KMG.

Iyadoona uu ka soo mid noqday bur burkii kadib Guddiyadii Soomaaliyeed ee ka soot ala bixiyay sidii Soomaaliya ay mar kale uga hana qaadi lahayd dowlad.

Waxa kaloo maanta ku dhawaaqey Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari in uu u tartamayo Xilka  guddoomiyaha baarlamanaka halka ay Khadiijo Maxamed Diiriye  ay sheegtay in ay u taagan tahay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: