Akhriso Magacyada – Diiwaangelinta murashaxiinta Baarlamaanka oo la soo gaba gabeeyay

WAAJIDPRESS – 5 JAN 2017:

Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, ayaa waxay maanta soo gaba gabeeyeen diiwaangelinta murashaxiinta Guddoonka Baarlamaanka Somaliya.

Guddiga, ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in 22 murashax ay isu soo sharaxday Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.

Guddiga, ayaa horaantii toddobaadkan shaaciyay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka la dooran doono 11-ka bishan, halka labadiisa Ku Xigeenana la dooranayo 12-ka bisha.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa waxaa u taagan afar murashax oo kala ah Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, C/rashiid Maxamed Xidig, C/fitaax Maxamed Ibraahim (Geesey) iyo Idiris Cabdi Takhtar.

Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad, ayaa waxaa isu soo taagay lix murashax, iyadoo mid ka mid ah ay haweeney tahay, halka Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad ay isu soo sharaxeen 12 xubnood, oo middi ay dumar tahay – AKHRISO MUSHARAXIINTA 3-DA JAGO EE GUDOONKA BAARLAMAANKA:

murashaxiinta1 murashaxiinta2 murashaxiinta3

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: