War deg deg ah: Ku dhawaad 5 Ruux oo lagu xiray Magaalada Kismaayo

WAAJIDPRESS – 6 JAN 2017:

Kismaayo  – Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Jubaland ay xabsiga dhigeen ku dhawaad 5 Ruux.

Xariga Raggan ayaa yimid kadib markii Ciidamada amaanka ee Maamulka Jubaland ay ka hortageen banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen, kaasi oo la doonayay in lagu taageero Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka FEDERAALKA SOOMAALIYA.

Korneel Cabdinuur Jaamac (Jookar) OO ka mid ah CIIDAMADA Axmed Madoobe ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle iyo Idaacadaha Magaalada Muqdisho in Xildhibaan Xidig uu lacago soo siiyay Ragga la xiray, si dibadbaxyo isaga lagu taageerayo ay ugu qabtaan Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyn, Korneel Cabdinuur Jaamac (Jookar) ayaa tibaaxay in Magaalada Kismaayo aan laga taageersaneyn musharaxnimada Xildhibaan Cabdirashiid Xidig uu ku doonayo jagada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: