Sarkaal Ka Tirsanaa Booliska Soomaaliya Oo Lagu Dilay Muqdisho..[MAGACIISA]

WAAJIDPRESS – 6 JAN 2017:

Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo magaciisa lagu sheegay Cumar Farey Cali ayaa lagu diley isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho xilli ay la socdeen labo carruur ah oo uu dhalay.

Allaha u naxariistee Cumar Farey Cali ayaa la sheegay in uu ka soo laabtay xeebta Liidoo oo uu carruurtiisa kula soo tamashelynayay maanta oo ah Jimce hase ahaatee markii gaarigii uu watay uu marayay isgoyska Dabka meel ku dhow ayaa waxaa rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen ilaalada mid kamid ah xildhibaanada Aqalka Sare.

Lama oga inuu saarnaa gaariga ay la socdeen ilaalada Senator Xuseen Cali Xaaji hase ahaatee qofa lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay dilka sarkaalka ka tirsanaa ciidamada Booliska oo magaciisa lagu sheegay Qaasim Ibraahin Aadan ayaa waxaa gacanta ku dhigey ciidamada booliska saldhiga Waaberi.

Wararku sheegayaan in mid ka mid ah ilaalada gaariga Senatarka uu rasaas ku furay gaarigii uu watay sarkaalka oo ka dambeeyay iyadoo wadada cariiri ahayd, rasaasta ayaa waxaa ay ku dhacday Cumar Farey oo gaariga waday waxana uu gaarigu ka baxay wadada iyadoo ay ku dhaawacmeen labo ruux oo wadada dhinaceeda ku sugnaa.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo si rasmi ah uga soo baxay ciidamada booliska gobolka Banaadir iyo Maamulka gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa haatan ku sugan inta badan xildhibaanada labada aqal ee lagu soo doortay magaalooyin ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo magaalada Muqdisho iyadoo xildhibaan walbana uu leeyahay ilaalo u gaar ah oo amnigiisa suga.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: