Akhriso then DAAWO: Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweyn diiran loogu sameeyay Maagalada Cadaado

WAAJIDPRESS – 11 JAN 2017:

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta si diiran waxaa loogu soo dhaweeyay Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Maamulkaasi Galmudug.

Mr Cabdikariin Xuseen Guuleed oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado Masuuliyiin iyo shacab fara badan.

Waxaana dadkii soo dhaweeyay ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey , Senetor Abshir Bukhaari, Saraakiil Ciidan iyo shacabka Cadaado.

Intaas kadib Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Saxaafadda la hadlay ayaa ku baaqay in si weyn ammaanka deegaanada Galmudug  gaar ahaan Caasimadda KMG ah ee Cadaado loo adkeeyo.

Masuuliyiinta Galmudug sida Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas ayaa sharci darro ku tilmamay go’aan ay ku sheegeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulkaas in Codka Kalsoonida ay kala laabteen Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed – DAAWO:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: