War deg deg ah: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku guuleystey Jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka

WAAJIDPRESS – 11 JAN 2017:

Wareegii koowaad ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa goor dhaweyd soo dhamaatay, inkastoo Guddiga Doorashada aysan shaacin natiijada.

Afar Musharax ayaa xilkaan u tartamaysay kuwaasi oo madasha Golaha Shacabka goobjoog ahaa, islamarkaana Xildhibaanada ay u codeynayeen.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawari ayaa Hogaaminaya Codadka ilaa hada la tirayay, wuxuuna helay codad gaaraya 141 cod.

C/rashiid Maxamed Xidig oo ah ruuxa xigay dhanka codadka marka la fiiriyo wuxuu helay 92 cod.

Halka C/fataax Ibraahin Geesey uu isagana helay codad gaaraya 17 cod.

Idiris Cabdi Dhaqtar ayaa helay 2 cod oo kaliya, halka labo codna ay halaaween.

Ilaa hada Guddiga Doorashada si rasmi ah uguma aysan dhawaaqin codadka, laakiin Guddiga waxa ay horay u sheegeen Musharaxii hela 139 cod inuu yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: