War deg deg ah: Maraykanka oo Muwaadiniintiisa uga Digay u safrida Kenya

WAAJIDPRESS – 14 JANUARY 2017:

Dowladda Mareykanka ayaa markale uga digtay Muwaadiniinteeda u safarka qeybo ka mid ah Dalka Kenya, oo looga cabsi qabo in weeraro xoogan ay ka dhacaan.

Bayaan ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Muwaadiniinta Mareykanka looga baahan yahay in aysan u safrin Magaalooyinka Mandheera, Gaarisa iyo Wajeer.

Qoraalka Wasaarada waxaa sidoo kale lagu xusay in Weerarada Al Shabaab ay ka dhaci karaan Magaalada Milindi, Wabiga Tana River iyo Jaziirada Lamu ee Dalkaasi Kenya.

Waxaa Mareykanka uu sidoo kale shaaciyay in aysan wanaagsaneyn amaanka Xaafado ku dhow Magaalada Nairobi, waxaana tusaaale ahaan loo soo qaatay Xaafada Islii ee Dalkaasi Kenya.

Mareykanka ayaa siyaabo kala duwan uga digay Muwaadiniintooda u safarka Dalalka Soomaaliya, Kenya iyo sidoo kale Itoobiya oo dhawaan Qarax uu ka dhacay Hoteel halkaasi ku yaalla.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: