War hadda SOO dhacay: Darawal Mooto Bajaaj oo lagu toogtay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 14 JAN 2017:

Askari sida la sheegay ka tirsan ciidamada Millateriga Somaliya ayaa toogtay nin darawal ahaa oo kaxeynaayay Mootada loo yaqaan Bajaajta ee Muqdisho sida aadka ah uga shaqeysa.

Dilkan ayaa wuxuu ka dhacay Xaafada Buulo Xuubey ee Degmada Wadajir, kadib markii Askariga oo wadada taagnaa uu ka dalbaday ninka waday Mootada inuu horay u sii qaado.

Wararka waxa ay sheegayaan Darawalka inuu diiday qaadista ninkaasi Askariga ah, taasi oo keentay inuu rasaas ku furo Askariga ninkii watay Mooto Bajaajta.

Ciidamada dowladda oo awooda qoriga u adeegsada qaybaha kala duwan Bulshada, ayaa inta badan falal dil bareer ah u geysta dhalinyarada ku shaqeysata Mootooyinka Bajaajta ee Muqdisho.

Ilaa hada ma jirto Askari ka tirsan dowladda oo sharciga loo soo taagay inuu dilay Darawal Mooto Bajaaj, waxaana dhacda inta badan marka falka dilka ah uu geysto Askarigaasi inuu ka baxsado goobta.

Muqdisho oo ah ciidamada ay buuxaan, islamarkaana ay gashan yihiin tuute kala duwan, ayaanan la aqoonsan karin Askariga falka dilka ah geysta rasmi ahaan Saldhiga, ama xarunta ciidan ee uu ka tirsan yahay.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: