Taliyaha ciidamada Amisom iyo Abaanduulaha Xooga dalka oo gaaray Magaalada Cadaado

WAAJIDPRESS – 15 JAN 2017:

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay halkaasi gaareen Wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka Amisom iyo Abaanduulaha Xooga dalka.

Wafdigaan ayaa la shaacin u jeedka ay u gaareen Magaalada Cadaado ,laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in ay doonayaan in ciidanka xoogga dalka Somaliyed aysan ku lug yeelan qalalaasaha ka taagan Galmudug.

Taliyaha Ciidanka Amisom General Cismaan Nuur Subagle iyo sidoo kale Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Cali Baashi ayaa lagu soo waramayaa in ay kulamo kala duwan ay la qadan doonaan Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan Cadaado.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa hadda ku sugan Magaalada Cadaado, iyadoo Wafdiga Taliyeyaasha loo kaxeeyay xarunta Madaxtooyada Maamulka Galmudug ee Magaalada Cadaado.

Magaalada Cadaado waxaa ka taagan qalalaase siyaasadeed oo ku aadan in Xildhibaano ka tirsan maamulkaasi ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Jimcihii aynu soo dhaafnay ayeey aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Suggida ee Galmudug ka howlgala ay arbusheen Hotel ay ku qadaynayeen Xildhibaanada ka soo horjeeda C/kariin Xuseen Guuleed.

Magaalada Cadaado waxaa ku sugan ciidamada Xooga dalka Somaliya qaybta 21-aad iyo ciidamo ka tirsan kuwa Amisom.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: