War deg deg ah: Dagaal kulul oo Ciidanka Kenya iyo Shabaab ku dhex maray Gobolka Gedo

WAAJIDPRESS – 15 JAN 2017:

Dagaal jilbaha leesku laabtay, ayaa maanta Ciidanka Militariga Kenya iyo Ururka Al Shabaab ku dhex maray Gobolka Gedo, iyadoo dagaalku uu khasaaro ka soo kala gaaray labada dhinac.

Xoogaga Al Shabaab, ayaa 11-kii barqanimo ee maanta wadada u galay kolonyo ay la socdeen Ciidanka Kenya, oo maraayay Deegaanka Nus Dariiqa, oo kala qaybiya Degmooyinka Beled Xaawo iyo Ceelwaaq.

Sarkaal Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan, ayaa Dhacdo.com u sheegay Ciidanka Kenya ee la weeraray, in ay ka soo ruqaansadeen Deegaanka Dhamase oo dhaca xuduuda, lana weeraray, iyagoo ku sii jeeda Deegaanka Laan-qurac.

Sarkaalkan, ayaa yiri “Ciidan Kenyan ah oo ka soo dhaqaaqay Deegaanka Dhamase, ayaa la weeraray, xilli ay ku sii jeedeen Deegaanka Laan-qurac, oo talis ay ku leeyihiin Ciidamada Kenya, wuxuuna weerarkan ku qabsaday Deegaanka Nus Dariiqa.”

“Dagaal aad u qaraar baa labada dhinac ku dhex maray halkaasi, dagaalkan oo bilowday barqanimadii maanta, ayaa soo gaaray 2-dii duhurnimo. Dhimasho badan ayaa la sheegay in ay jirto oo labada dhinac ah.”

“Ciidamada Kenya goobtii uu dagaalka ku qabsaday ayay caawa ku sugan yihiin. Gurmad xoog leh ayaana uga kala yimid Deegaanka Gadoon-dhawe iyo dhinaca xuduuda.”

“Hal gaari waa xaqiiqo in dagaalka looga gubay Ciidamada Kenya, laakiin waxaa adag in la helo cid sheegi karta inta askari ee dagaalkii maanta looga dilay.”

“Deegaanka Nus Dariiqa, doraad dagaal baa ka dhacay, shalayna dagaal kale ayaa ku qabsaday Ciidamada Kenya. Dagaalkii maantase wuxuu ahaa midkii ugu xooganaa.”

Dagaalka culus ee Shabaab iyo Ciidanka Kenya ku dhex maray Gobolka Gedo, ayaa wuxuu ku soo beegmayaa, hal sano oo ka soo wareegatay weerarkii askarta badan looga laayay Kenya, ee 15-kii bishii January ee sanadkii hore ka dhacay Deegaanka Ceelcadde, oo qiyaastii 60km u jira Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: