War naxdin leh: Afar ruux oo ku geeriyootay dab la qabadsiiyay gurigooda deegaanka Bandiiradley EE gobolka Mudug

WAAJIDPRESS – 16 JAN 2017:

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Bandiiradley oo ka tirsan Gobolka Mudug ee Bartamaha Somaliya, Afar ruux ayaa ku geeriyootay labo kalena dhaawac culus ayaa soo gaaray, kadib markii reerkaan Aqalkii ay deganaayeen dab la qabadsiiyay.

Amuurtaan ayaa dhacday xalay saqdii dhexe, xilli ay hurdeen reerka guriga deganaa, waxaana mar kaliya ay ku soo baraarugeen gurigooda oo gubanaya.

Guddoomiyaha Deegaanka Bandiiradley C/risaaq Axmed Jaamac, ayaa sheegay saddex Wiil iyo Gabar inay ku geeriyoodeen dabka la qabadsiiyay guriga, iminkana ay dhaawac culus yihiin hooyada reerka iyo Wiil kale oo ay dhashay.

Guriga reerkaan ay deganaayeen oo ka sameysnaa cooshad ayaa dabka markii la qabadsiiyay durba uu gubtay, taasi oo keentay inay ku geeriyoodan caruurta guriga.

C/risaaq Axmed Jaamac, ayaa sheegay inay wadaan Baaritaan ku aadan cida ka dambeysa falkaan naxdinta badan ee lagu gubay guriga ay deganaayeen Qoyskaasi.

Hooyada Guriga oo dhaawac ah ayaa sheegtay in falkaan uu ka dambeeyo wiil isaga la dhashay oo maalmahan muran uu kala dhaxeeyay, inkastoo aanan si rasmi ah loo cadeyn karin arintaasi.

Dhaawaca Hooyada iyo Wiilka kale, ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu daaweynaayo.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: