War deg deg ah: GEERI NAXDIN LEH MALAAQA BEELWEYNTA JIROON – MALAAQ MACALIN CALI BARE (ALLAHA U NAXARIISTO)

WAAJIDPRESS – 18 JAN 2017:

img_1549

img_1546

Inaa Li Laahi Wa inaa Ilaahi raajicuun, ALLAHA U NAXARIISTO, JANADII FIRDOWSA ALLAHA KA WARAABIYO,  waxaa magaalada Baydhabo daqiiqado ka hor ku geeriyoodey Malaaq Macali Cali Bare, OO Ayaa Malaaqa Beesha JIROON.

Allaha u naxriistee Malaaq Macalin cali Bare ayaa saaka lagu soo boodey waxaana sababsadey cudurka shuban biyoodka oo magaalada Baydhabo ka dilaacey xiligaan kaasoo aan qabin wax xanuun ah ama jiro ah.

Malaaq Macalin cali Bare oo Ayaa Malaaqa Beesha JIROON – DIGILMIRIFLE,  Malaaq Macalin Cali Bare wuxuu kamid ahaa Malaaqyada fara kutiriska ah ee u taagnaa in dadka ku abtirsada Qowmiyada Koonfur Galbeed ay mansabka heerka sare ee hogaanka dalka qabashadiisa laabta ku haayey markastana u taagnaa maslaxeynta guud ahaan umada soomaaliyeed gaar ahaan reer Koonfur Galbeed.

Ilaah Ha Unaxriistee Malaaq Macalin cali Bare Wuxuu Ahaa Halyeey Geesi ah oo qiyaano iyo wax isdaba marin lagu sheegin wuxuu Aabe u ahaa Nidaamka jiritaanka Qowmiyada Koonfurgalbeed sidii dowlad dadka iyo deegaanka ku nastaan loo heli lahaa.

Salaadiinta, Malaaqyada, Samadoonada, Nabadoonada, Ugaasyada, iyo guud ahaan shacbiga Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direen maanta eheladii iyo Qaraabadii uu ka baxay geesiga Malaaq Xaaji Macalin Cali Bare.

Madaxweynaha Dalka Prof. Jawaari, Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Ayaa Kuligood ka tacsiyeeyey isla markaana Kuna tilmaamey in uu Ahaa Malaaq tiir iyo hogaan u ahaa dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

MARXUUMKA oo taariikhdiisa dib ka soo qori doono laakiin waxaa lagu xasuustaa hogaankii Malaaqyada soomaaliyeed ee shirkii Istanbul oo guulo wax ku ool ahaa halkaasi ka soo hooyeen malaaqyadii ka turjumayey KGS, wuxuu ahaa qof neceb in dhiig islaam micno daro loo daadiyo wuxuu asagoo da’ah garabkiisa u surtay la dagaalanka iyo iska qaadida kooxda shabaab oo weli dhulka KGS meelo kamid ah ay ku dhuumaaleysanayaan.

Wuxuu aabo u ahaa heshiisiinta Beelaha KGS oo waagii hore labo labo ugu dagaalami jireen waxyaabo aan micno laheyn.

Waxaa isla Maanta uu Madaxweynaha DOWLADA KOONFUR GALBEED ku dhawaaqey in Dowlada, BAARLAMAANKA iyo Shacabka ay sadexda beri soo socota ay galeen Maalmo tacsi ah iyo Shaqo joojin.

FILO GOORDHOW TAARIIKHDA MALAAQA.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: