DAAWO: MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED IYO WASIIRADIISA OO SHIRKOODA KHAMIISLAHA KU SOO QAADEY ARIMAHA ABAARAHA IYO AMNIGA DEEGAANADA

WAAJIDPRESS – 19 JAN 2017:

img_1554

img_1159

img_1552

img_1553

Madaxweynaha Dowlada Koonfur galbeed Mudane Geesiga KOONFUR GALBEED Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta shir guddoomiyey kulan golahiisa wasiirada ku yeesheen magaalada Baydhabo, waxaana kulankaasi looga hadlayey arrimo ku aadan amniga iyo abaaraha ka jira deegaannada Koonfur galbeed.

Shirkan oo ahaa mid Khamiis walba ay wada yeeshaan wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu maanta ahaa mid ka duwan kuwii hore, maadaama uu ka qeyb galayay Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulankan shir Guddoominayay ayaa waxaa looga hadlay ammaanka, Abaaraha iyo cudurada ka dilaacay Degaanadaasi.

Kulankan oo saacado qaatey ayaa markii uu soo gabgaboobay waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulsadha Ee Koonfur galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, waxaana uu sharaxaad ka bixiyey waxyaabihii laga wada hadlay.

Waxa uu sheegay wasiirka in ugu horreyn ammaan loo jeediyey dhammaan saraakiisha iyo ciidamada ammaanka Koonfur galbeed oo uu sheegay iney qabteen shaqooyin muhiim ah si amniga loo sugo, waxaana uu sheegay in wasiirada isla garteen in la abaalmariyo saraakiisha.

Sidoo kale wasiirka Koonfur Galbeed ayaa diiradda saaray arrimaha ku aadan abaaraha ka jira deegaannada maamulkaasi uu ka arrimiyo, waxaana ay ugu baaqeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guddiga Qaran ee abaarah in degdeg ay wax uga qabtaan xaaladda abaareed ee Koonfur galbeed.

Ugu dambeyntii, Wasiir Cabdi ayaa dhanka kale hoosta ka xarriiqay in dhowaan Koonfur Galbeed uugurmad gaarsiin doono dad kasoo barakacay abaaraha misane ku sugan duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: