War deg deg ah: Magaalada Jowhar oo caawa lagu dilay Sarkaal sare

WAAJIDPRESS – 21 JAN 2017:

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa sheegaya in caawa lagu dilay Sarkaal Booliska ka tirsanaa.

Wararka, ayaa waxay intaa ku darayan in Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Khaliif Cabdulle Carfaaye, uu ahaa Taliyihii Ciidanka Booliska ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaya in Taliyaha uu ku dhintay bambo gacmeyd caawa lagu weeraray hoygii uu ka deganaa Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ee Magaalada Jowhar.

Taliyaha, ayaa xilligii bambada lagu weeraraaayay ku sugnaa barxadda/daarta hoygiisa, iyadoona uu isbitaalka ugu geeriyooday dhaawac halis ah oo wadnaha ka soo gaaray.

Tiro ka mid ah ilaaladii Taliyaha, ayaa sidoo kale ku dhaawacantay qaraxaasi, kuwaa oo loo qaaday goobaha caafimaadka ee ku yaala Magaaladaasi Jowhar.

Saraakiisha Nabad Suggida iyo Booliska Gobolka Shabellaha Dhexe oo gaaray hoyga la weeraray, ayaa ka wada baaritaano ku aadan qaraxaasi.

Mintidiinta Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa caawa ka dhacay Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: