War hadda soo dhacay: Aqalka Sare OO maanta GUDOOMIYE iyo ku xigeen doortey

WAAJIDPRESS – 22 JAN 2017:

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi (oo Ka soo jeeda Beesha ISAAQ – DIR), ayaa ku guuleystay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya kadib markii uu doorashadii maanta ku guuleystay codad dhan 43 xubnood.

Doorashadan oo illaa hadda ka socota xarunta Aqalka Sare ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xidhibaanno gaaraya illaa 52, Cabdi Xaashi ayaa ku guuleystay 43 xildhibaan, halka Mustaf Maxamed Qodax oo la tartamayay uu helay 9 cod.

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sidaasi ku noqday Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka, sida ay ku dhawaaqeen Guddiga Qaban qaabada Doorashada.

Isla maanta, Abshir Maxamed Maxamuud (Bukhaari), ayaa noqday Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, kadib markii Wareegii saddexaad ee Doorashada Aqalka Sare uu ka adkaaday Xildhibaan Dhagdheer oo uu la tartamaayay.

Abshir Bukhaari ayaa helay codad gaaraya 30 cod, halka Xildhibaan Dhagdheer uu helay codad gaaraya 22 cod.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee codeynaayay ayaa tiradooda waxa ay gaaraysaa 52 Xildhibaan.

Abshir Bukhaari oo doorashadiisa kadib ka hadlay Madasha, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Xilka maanta ay u doorteen Xildhibaanada Aqalka Sare, wuxuuna sheegay inuu la imaanaayo wax qabad wanaagsan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: