Wararkii ugu dambeeyay dagaal saf ballaaran oo Shabaabku ku qaadeen Degmada Afgooye

WAAJIDPRESS – 23 JAN 2017:

Dagaal culus oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose. Dagaalka waxaa uu ka dambeeyay, markii ay soo qaadeen Xoogaga Ururka Al Shabaab.

Xoogaga Al Shabaab, ayaa dhawr jiho kaga soo dhaqaaqay Degmadaasi Afgooye, iyadoona dagaalka uu ahaa mid si wayn u saameeyay gebi ahaanba xaafadaha ay ka kooban tahay Afgooye.

Shabaabka, ayaa waxay beegsadeen fariisimaha Ciidamada Dowladda ku leeyihiin wadooyinka laga soo galo Degmada Afgooye, iyadoona uu yoolkoodu ahaa in ay qabsadaan saldhigyada hay’adaha ammaanka.

Madaxa Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey), oo ka hadlay dagaalka culus ee galabta ruxay Degmadaasi, ayaa sheegay in la caabiyay mintidiinta.

Cumar Maxamuud Cilmi, ayaa yiri “Galabta casir gaabadkii ayay dagaal gaadmo ah ku soo qaadeen fariisimaha Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida ku leeyihiin Degmada Afgooye, si wanaagsan baana la isaga caabiyay.”

“Difaacyadii ugu horeeyay Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida ayay isu deyeen inay qabsadaan, balse way ku jabeen, maxaa yeelay dhinac walba oo ciidamada ah feejignaan ayaa jirtay.”

“Ujeedkoodu wuxuu ahaa nimankan nabadiidka ah in ay gudaha u soo galaan Degmada Afgooye, si ay shacabka uga dhex dagaalamaan, laakiin Ciidamada Qaranka ayaa suurta-geliyay inaysan taasi dhicin.”

“Waxaa run ah in dagaalkii galabta lagu jabiyay nabadiidka, welibana si fiican ayay ugu jabeen dagaalka. Inta dib loo caabiyay, ayaa looga daba tagey duleedyada Degmada Afgooye.”

“Hal askari oo ka tirsan Ciidamada Nabad Suggida Koonfur Galbeed ayaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray dagaalka, mana jirto wax rayid ah oo ku waxyeeloobay, laakiin cadowgii dagaalka soo qaaday jab wayn baa runtii gaaray. Waxaan rabnaa inaan Warbaahinta u soo bandhigno khasaaraha cadowga soo gaaray, saacadaha soo socda.”

Dhanka kale Weerarada Degmada Afgooye, ayaa billihii ugu dambeeyay soo kordhaayay, iyadoo bishan oo keliya laba goor ay Shabaabku soo weerareen Degmadaasi.

Shabaabka, ayaa 18-kii bishii October dagaal culus kula wareegay gacanta ku haynta Degmada Afgooye, inkastoo saacado ka dib ay isaga baxeen.

29-kii bishii hore ee December, ayay ahayd markii weerar fashilmay ay Shabaabku ku soo qaadeen Afgooye. Ciidamada Dowladda ayaa lagu ammaanay in xilligaa ay Afgooye ka difaaceen Al Qaacidada Somaliya.

Sidoo kale 20-kii bishan, ayay mintidiinta Al Shabaab weerar kulul ku soo qaadeen Degmada Afgooye, balse waxaa weerarkaasi ka hortagey oo fashiliyay Ciidamada Qalabka Sida.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: