DAAWO then Akhriso : MAYDKA LABADII MALAAQ EE MAANTA QARAXANI MUQDISHO KU DHINTEY OO GALABTA LAGA SOO DEJIYEY BAYDHABA LAGUNA AASEY

WAAJIDPRESS – 25 JAN 2017:

img_1570 img_1571 img_1572 img_1573 img_1574

Baydhabo –  Waxaa Galabtan aas loogu sameeyey magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ALLAHA U NAXARIISTO Malaaq CabdiSalaan oo ahaa Malaaqa beesha Yantaar iyo Malaaq Isaaq Xasan Keerow (Malaaq Malabow) oo ahaa Malaaqa Beesha Garwaale ,  Malaaqan oo ka mid ah Malaaqyada sida weyn looga yaqaano Gobolada Koofurta Galbeed Soomaaliya, isla markaana wax badan ka geystey Qaranimada Soomaaliya iyo sidii dowlad rasmi ah ay u noqon lahayd.

Aaska Malaaqa waxaa ka qeybgalay Ku simaha Madaxweynaha KGS ahna wasirka Beeraha iyo WaraabkaMaxamed Xasan Fiqi, Gudoomiyaha Baarlamanka KGS C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyi-galinta Bulshada Ugaas Xasan Cabdi, Maamulka Gobolka iyo Ka Degmada Baydhabo, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Kuwo KGS, Saraakiil, culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Baydhabo.

Malaaq Malabow Alle ha u naxariistee waxaa lagu xasuusan doonaa dadaalkii uu u galay nabaadinta dadka deegaanada KGS ku dhaqan ilaa iyo intii ay dhacday dowladdii hore 1991kii, xilligaasoo ahaa markii lagu caano shubay Iyo Dhismaha Dowlada KGS.

Ugu dambeyntii Malaaq Malabow iyo tiro kale ayaa maanta lagu diley Weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaadey Hotel Dayax Ee magaalada Muqdisho.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: