War deg deg ah: MALAAQYO DIGIL IYO MIRIFLE OO KU DHINTEY – Labo Weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Hotel Dayax OO ay deganaayeen Xidhibaano badan oo ku yaala Muqdisho iyo Rasaas xoogan oo socota

WAAJIDPRESS – 25 JAN 2017:

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Waxaa goordhaw Weerar Ismiidaamin ah lagu qaaday Hotelka Dayah ee kuyaala inta u dhaxeysa Isgoosyada Sayidka iyo Dabka ee magaalada Muqdisho.

Koox hubeeysan ka tirsanyihiin Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Goordhow hotel ku yaala Magaalada Muqdisho.
Weeraraka ayaa ku bilaabay qarax gaariga lagu soo buuxiyay oo lagu dhuftay Afaafka hore Ee Hotel Dayax oo ku yaala Wadada Makka al-Mukarama Ee Magaalada Muqdisho.

Qarax labaad ee gaari Noha loo adeegsaday ayaa goordhaweyd ka dhacay isla Hoteelka Dayax.

Qaraxani Labaad ayaa dhacay xili ay dad badan kusoo dhawaaden Hoteelka Dayax, waxaana la sheegay in gaariga qarxay uu ahaa gaarigii ay ka dageen dableydii hubeysneyd,  Qaraxani Ayaa sababey dhimashada dad faro badan oo AAN gadaal idinkaga soo sheegi doono.
Kooxihii soo weerarey Ayaa hotelka gudaha u galey, Waxaa Gudaha hotelka hadda ka socdo Rasaas ay is weeydaarsanayaan Kooxihii weerarka soo qaaday iyo Ciidamada Dowlada taasi oo laga maqlayo Gudaha Hoteelka.

Meydad badan oo dad shacab ah ayaa yaala laamiga uu kuyaala Hotelka, waxaana halka ay qaraxyadu ka dhaceen ku yaala Maqaayado iyo goobo ganacsi oo dad badan ay joogeen xiliga uu qaraxu dhacayay.

Inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee dhimashada, hadana xogta aan heleyno ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 qof ay dhinteen kuwa kale oo intaas ka badana ay dhaawacmen.

Malaaq Deerow oo ka mid Waxgaradka Maamulka Koofur Galbeed oo u warramay Idaacaddaha Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Waxgarad ay ka mid yihiin Malaaq Malabow Malaaq Isaaq iyo Malaaq Cabdirashiid Malaaq Cabdisalaan iyo nabadoon Maxamuud Ganjeel in ay ku dhinteen weerarkaasi.

ALLAHA U NAXARIISTO Malaaq Cabdirashiid Malaaq Cabdisalaan oo ahaa Malaaqa beesha Yantaar iyo Malaaq Malabow oo ahaa Malaaqa Beesha Garwaale ayaa ka mid ahaa 135 Oday Dhaqameed ee Beelaha Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo dhaawac halis  ah Soo Gaarey:

Yusuf Abdi Macalin Malaaq oo KA soo jeeda -Beesha Eeylo – DIGIL IYO MIRIFLE.
Malaaq Xasan Buulle –  Malaaqa Beesha Jilible EE DIGIL IYO MIRIFLE  iyo
Malaaq Shariif Muxyidiin –  Malaaqa Beesha Asharaaf ee DIGIL IYO MIRIFLE iyo Malaaq Cabdiyow oo ahaa Malaaqa Beesha Luwaay.

Sidoo kale Malaaq Deerow ayaa xaqiijiyay in Hoteelka ay ku sugnaayeen isla markaana Kulan ay ku lahaayeen oo inta badan Xildhibaanada labada aqal ee ka jeeda Maamulka Koofur Galbeed iyo Raisul Wasaare Cumar CABDIRASHIID iyo wasiiro KA tirsan golihiisa, kulankani oo looga arrinsanayay arrimaha Doorashooyinka dalka SOOMAALIYA.

Xildhibaanadaasi ayaana la rumeysan yahay in waxyeello ay ka soo gaareen weeraradaasi walow aan si rasmi ah loo ogeyn.

Waxa uu Malaaq Deerow uu intaas ku daray dad gaaraya illaa 30 qof oo waxyeelooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ay soo gaareen in indhihiisu ay qabanayeen markii Qaraxa kowaas uu dhacay.

Weriyeyaasha ku dhaawacmay qaraxa waxaa ka mida:
C/qadar C/llaahi Maxamed oo ah weriye ka howlgala Idaacadda Kulmiye oo gurigii uu deganaa ku dhaawacmay, dhaawaciisuna fudud yahay.
Sawir qaade ka tirsan telefishanka HornCable oo magaciisa lagu sheegay Gacal.
Sawir qaade caan ah oo u shaqeeya wakaalada warark AP oo lagu magacaabo Faarax AP.
Sawir qaade kale oo u shaqeeya wakaalada waraka Reuters Maxamed C/wahab.

Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxammad Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa tacsi u diray dadkii ku naf waayey weerarkii argigixiso ee lagu qaaday Hotelka Dayax magaalada Muqdisho.

“Si gaar ah waxaan tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa Malaaqyada Digil iyo Mirifle oo ay ka baxeen laba Malaaq oo muhiim ah waxaan leeyahay Alle ha u naxariisto Malaaq C/rashiid Sheekh C/salaan iyo Malaaq Malabow Malaaq Isxaaq Xasan keyrow oo labaduba ka mid noqday dadkii ku dhintay falkaasi arxanka daran ”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Sidoo kale waxaa Hoteelka ku sugnaa Wasiiro ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Masuuliyiinta la xaqiijiyay ee Hoteelka Dayax ku sugnaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koofur Galbeed Cabdiraxmaan Sate.

Wasiirka Biyaha iyo Macdanta Maamulka Koofur Galbeed.

Wasiir ku xigeenka Amniga Cabdullaahi Fareey.

Xildhibaan Carte.

Xildhibaan Black iyo Masuuliyiin kale oo inta badan ka soo jeeda deegaanada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wararka qaar oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Hoteelkaasi uu dagan yihiin Xildhibaano badan oo ka soo jeeda beelaha kale ee SOOMAALIYA iyo MUSHARAXA Farmaajo oo ka mid ah Musharixiinta Madaxweyne.

Sidoo Kale Waxaa Hoteelkaan Deganaa Garaad jamac Garaad Cali oo ah Garaadka Beesha DHULBAHANTE.

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: