DAAWO then Akhriso: Xassan Sheekh oo aan ka tacsiyeynin Qaraxii Shalay iyo Musharaxa Sheikh Shariif oo noqdey Musharixii uGu horeeyey is diiwaangeliya isla maantana Booqday dadkii ku waxyeeloobey Qaraxii shalay

WAAJIDPRESS – 26 JAN 2017:

shariif-3 shariif-8 shariif-9 shariif-10

 

Shariif Sheekh Axmed, ayaa noqday Musharaxii ugu horeeyay ee u taagan xilka Madaxtinimada Somaliya ee is diiwaangeliya, islamarkaana buuxiya shuruudaha is diiwaangelinta musharaxnimada Somaliya.

Xarunta Villa Hargaysa ee ku dhex taala Madaxtooyada Somaliya, ayuu tagey Shariif Sheekh Axmed, halkaasi oo ah goobta fadhiga u ah guddiga qaban qaabada ee Doorashada Madaxweynaha Somaliya.

Musharaxii ugu horeeyay ee buuxiya shuruudaha musharaxiinta Madaxweynaha, ayuu noqday Shariif Sheekh Axmed, taasi oo muujinaysa sida uu ugu han wayn yahay xilka Madaxtinimada Wadanka.

XASSAN SHEEKH OO AAN WELI KA TACSIYEYNIN SHACABKII IYO MALAAQYADII KU WAXYEELOOBEY QARAXII SHALAY KA DHACAY MUQDISHO, Balse waxaa Shacabkii soo jiitey oo sharaf muteystey  MUSHARAXA MUDANE Dr. SHEIKH SHARIIF SHEIKH AXMED OO MAANTA ISBITAALADA KU BOOQDEY SHACABKII KU WAXYEELOOBEY QARAXII SHALAY ISLA MARKAANA U DUCEEYEY LACAGNA SIIYEY.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa sidoo kale u gudbay Isbitaalka Madiina, halkaasi oo ay jiifaan inta badan dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Maamulka Isbitaalka, ayuu ka dhageystay warbixin la xiriirta sida ay yihiin xaalada caafimaad ee bukaanada ku jira Isbitaal Madiina ee qaraxii shalay ku dhaawacmay, wuxuuna intaasi ka dib kormeeray qolalka ay jiifaan bukaanada.

Waa musharaxii ugu horeeyay ee booqda Dayax Hotel ee shalay weerarka uu ka dhacay iyo Isbitaalka Madiina, oo bukaanadii waxyeelada ay ka soo gaartay weerarkaasi la dhigay.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: