Qaramada Midoobey oo maanta Cambaareysey Weerarkii ay qaar ka mid ah Malaaqyadii Digil iyo Mirifle ku dhinteen iyo dhaawac ee shalay Muqdisho ka dhacay

WAAJIDPRESS – 2017:

Qaramada midoobey ayaa si adag uga hadashay weeraradii ismiidaaminta ahaa ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaa oo lagu bartilmaameesaday Malaaqyada DIGIL IYO MIRIFLE , siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo Shacabkii kale ee ku sugnaa hoteelka Dayax ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay QM oo lagu magacaabo Joseph Contreras ayaa sheegay in qaraxyadii shalay ka dhacay hotelka Dayax ay ahaayeen kuwo lagu qalqalgelinaayo howlaha doorashada ee dalka socda.

Waxaa uu intaa ku darray in QM si weyn uga walaacsan tahay qaraxyada lagu qaadayo hoteelada magaalada Muqdisho,, waxaana uu dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay la timaado qorsho looga hortagaayo qaraxyada iyo weerarada Al-Shabaab.

Hadalka ka soo baxay QM ayaa kusoo beegmaya xilli ay shalay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen waraxyo ay ku dhinteen dad ka badan 28 qof iyo 50 kalena ay ku dhaawacmeen. Mas’uuliyada weerarkii shalay waxaa sheegtay in ay ka danbeeyeen xoogagga Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda federaalka iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: