MADAXWEYNE KU-XIGEENKA PUNTLAND Mr. CAMEY “XASAN SHEEKH WAAN UGU CELINEYNAA INUU FARAHA KALA BAXO ARRINTA GABADHA”

WAAJIDPRESS – 27 JAN 2017:

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiim Cumar Cameey, ayaa ka hadlay warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud, taa oo uu uga hadlaayay xaalada Gabadha Soomaaliyeed ee dhawaan lagu faraxumeeyay degmada Goldogob.

Cameey ayaa ka hor imaaday in Madaxweyne Xasan Sheekh uu faraha la galo arrinta Gabadhaasi, waxa uuna sheegay in xaaladeeda Caafimaad ay iyaga ku filan yihiin.

Cameey ayaa sheegay inuu qabo aragti ah in Xasan Sheekh uu garab siiyo boqolaalka Dumar ee lagu fara xumeeyo magaalada Muqdisho.

Cameey waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay ku dhaqan yihiin Dumar aad u farabadan kuwaa oo aan la xukmid ragii fara xumeeyay isla markaana garab uga baahan Dowlada.

Cameey waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya aysan waxba ka khuseyn gabadha lagu kufsaday Goldogob , islamarkaana ay tahay arin u taal maamulka Puntland.

Dhawaan ayay aheyd markii Wasiirada Haweenka Puntland ay sheegtay in hadalka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha uu yahay guul daro, isla markaana aysan habooneyn gabar la dhibaateeyay in ololo doorasho lagu galo.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: