Xog: Mid ka mida Raggii isku miidaamiyay Hotel Dayax oo la Aqoonsaday (MAGACA)

WAAJIDPRESS – 27 JAN 2017:

Wararka laga helayo maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in mid ka mida ragii isku qarxiyay hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho uu ahaa askari ka baxsaday maamulkaasi oo u galay Alshabaab.

Askarigan ayaa lagu magacaabaa C/raxmaan Fatxi C/llaahi Dheeg, waxaana uu ka baxsaday magaalada Kismaayo kadib markii uu khaarijiyay taliyihii hore ee ciidamada nabadsuggida Jubbaland Ciise Alaaki oo ku magac dhereaa (Ciise Kaambooni), kaasoo dilkiisu ka dhacay Kismaayo 19-kii Feberaayo sanadkii 2014.

Ninkan oo markii danbe u galay kooxda Alshabaab oo uu hore uga tirsanaa ayaa qaraabo dhow la ahaa taliyaha uu khaarijiyay, wuxuuna iska dhiibay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Ninkan ayaa la isku hayaa inuu waday gaarigii weynaa ee qaraxa balaaran geystay ama midkiid labaad, waxaana socda baaritaan iyo xogo ay is weydaarsanayaan ciidamada nabadsugidda.

Weerarkii Dayax Hotel waxaa ku dhintay in ka badan 30 iyadoo 50 kale ay ku dhawaacmeen, wuxuuna geystay qasaare xoog leh.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: