War deg deg ah: Qarax KA dhacay HIIRAAN iyo weerar ay AL- SHABAAB ku qaadeen Kulbiyow

WAAJIDPRESS – 27 JAN 2017:

Baladweyne – Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in Qarax khasaaro geystay uu ka dhacay Duleedka Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxuu ka dhacay sida la sheegay Xaafada Burjada-Ceynta ee Duleedka Magaalada Baladweyne.

Dadka Degaanka ayaa sheegaya in goobta uu Qaraxan ka dhacay ay isbaaro u taallo Maleeshiyaad hubeysan.

Qaraxan ayaa sida la xaqiijiyay waxaa ku dhintay ugu yaraan labo ka mid ahaa Maleeshiyaadkaasi, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 3 kale.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi miino oo ka dhacay Duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale Deegaanka Kulbiyoow  – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay Weerarkii Cuslaa ee Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubada Hoose.

Xeradan oo lagu magacaabo Siinaay oo Ciidamada Kenya ay dagan yihiin ayaa ku taalla meel u dhow Xuduudka ka dhaxeeya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Weerarkii Al Shabaab ayaa ku bilaawday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa, kaasi oo lagu dhuftay albaabka hore ee Ciidamada Kenya.

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab, Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa waxuu sheegay in Weerarkaasi ay ku Dileen ugu yaraan 57 Askari oo ka mid ahaa howlgalka AMISOM.

Abuu Muscab ayaa shaaca ka qaaday in Guutada Saalax Nebhaan ay fuliyeen Weerarka lagu beegsaday Xerada Siinaay ee Ciidamada Dowladda Kenya.

Guutadan ayaa sidoo kale waxey fuliyeen Weerarkii cuslaa ee Sanadii la soo dhaafay lagu qaaday Xeradii Ciidamada Kenya ee Degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Xoogaga Al Shabaab ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay 15 Askari oo Kenyaan ah iyo mid kale oo cadaan ah kaasi oo ku sugnaa Xerada Weerarkan lagu qaaday.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM oo ku aadan Weerarkan ay mas’uuliyadiisa sheegteen Xarakada Al Shabaab.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: