War hadda soo dhacay: Weerar xoogan oo lagu qaaday Xero Ciidamada DFS ay ku leeyihiin Duleedka Baardheere

WAAJIDPRESS – 27 JAN 2017:

Baardheere – Wararka laga helayo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xoogaga Xarakada Al Shabaab ay Xalay weerar ka geysteen Duleedka Degmadaasi.

Xoogaga Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday Xero Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Duleedka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay iska caabiyeen weerarkii Al Shabaab, islamarkaana halkaasi uu ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay labada dhinac.

Weli lama oga khasaaraha guud ee ka dhashay Weerarkan Xalay Al Shabaab ay ka fuliyeen Duleedka Degmada Baardheere.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Xaalada Saaka ay dagan tahay, islamarkaana Ciidamada Dowladda ay wadaan howlgallo amaanka lagu xaqiijinayo.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: